Skip to Content

Shir cilmiyeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomliyeed-2024

Somali Medical Association (SMA)

Shir cilmiyeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomliyeed, waa shir cilmiyeed la qabandoono sanad kasta haduu ALLE yiraah sanadkaan ayaa ugu horeeyay waxuuna dhacay bisha Disembar maalinta 4aad iyo 5aad. 

Shirka waxaa furay  Dr. Luul Maxamuud Maxamed, ayado oo ka hadashay muhiimada uu u leeyahay shirkaan oo kale.

Waziirka Caafimaadka  H.E. Dr. ALi Haji.  ayaa sidoo kale ka soo qeyb galay shirka.


Prof. Khaliif Bile ayaa soo jeediyay cinwaan magaciisu yahay: "What is the role of human resources for health in achieving UHC and mode of delivery?" waxuuna sheegay in Somaaliya u baahan tahay in la kordhiyo tirada dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka si loo daboolo baahiyaha bulshada.

Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Fuje ayaa soo jeediyay cinwaan magaciisu yahay: "Building Resilient Health System in Somalia." waxuuna  "in Nidaamka caafimaadka Somaliya la xoojiyo si uu u noqdo mid ka jawaabi kara xaaladaha degdegga ah iyo culeyska caafimaad ee ka dhasha khataraha."


Sidoo kale  dhowr cilmi isweydaarsi oo  mowduucyo kala duwan leh ayaa lagu soo bandhigay laguna gorfeeyay, mowdhuucyadaas waxaa ka mid ah:

  1. Cinwaanka "Challenges and Opportunities in Reproductive and Child Health". waxaa daadihiyay  Dr. Zakariya Tuuryare.
  2. Cinwaanka "Gaps and Solutions of Double Burden Communicate and Noncommunicable in Communicable and noncommunicable". waa daadihiyay Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Fuje.
  3. cinwaanka "Irony solutions for limited and unemployed Human Resources for Health in Human Resources For Health. waxaa daadihiyay Dr. Tahliil Cabdi Farax.
  4. Cinwaanka "The path to universal health coverage in Healthcare Access, Service Delivery and health financing". waxaa daadihiyay Dr. Cabdulaahi Maxamed Nuur (Dr. Torino).

 Cilmi isweydaarsi

 oo  mowduucyo kala duwan leh ayaa lagu soo bandhigay laguna gorfeeyay.
Shir cilmiyeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomliyeed.

Raadin dheeri ah


Sidoo waxaa la soo jeediaya mowdhuucyo ay ka mid yihiin  "Current Developments of Open-heart Surgery in Somalia." waxaa soo jeediyay Dr. Cabdinaafac Maxamuud Xuseen. 


Ugu danbeyn shirka waaxaa soo xiray  Dr. Luul Maxamuud Maxamed oo tiri: "Waxaa farxad inoo ah inuu maanta nabad noogu soo dhamaaday Shir cilmiyeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomliyeed ( 𝟏𝐬𝐭 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐀𝐬𝐬𝐨𝐜𝐢𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐀𝐧𝐧𝐮𝐚𝐥 𝐒𝐜𝐢𝐞𝐧𝐭𝐢𝐟𝐢𝐜 𝐂𝐨𝐧𝐟𝐞𝐫𝐞𝐧𝐜𝐞), waxaan u mahadcelineynaa dhammaan isbitaalada iyo shirkadaha taageeray inuu qabsoomo shirkaan, iyo sidoo kale waxaan umahadcelineynaa kasoo qayb-galayaasha shirka".

Shir cilmiyeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomliyeed-2024
Maxamed December 7, 2024
Archive