Gabowga caadada waa marxalad dabiici ah oo ka dhacda nolosha haweeneyda, taasoo calaamad u ah in caadadii si joogto ah u istaagtay. Tani waxay muujinaysaa dhammaadka awoodda taranka haweeneyda iyo in ay dhalmo goysay. Waxay sida caadiga ah ku dhacdaa da’da u dhaxaysa 45 ilaa 55 sano, inkastoo ay mararka qaar soo hormari karto ama dib u dhici karto. sababta waa marka ugxaan-sidaha (ovaries) ay joojiyaan sii daynta ugxan iyo hoormoonnada estrogen iyo progesterone. Calaamadaha caanka ah waxaa ka mid ah: kululeel jirka oo dhan ah (hot flashes), dhidid habeenkii ah, dabeecada oo is badasha, iyo qalaylka Xubinta taranka dumarka.
Marxaladaha uurka
Laga Bilaabo Uur Qaadista Ilaa Dhalmada: Geedi Socod Caafimaad oo Toddobaad Toddobaad ah oo Ku Saabsan Uurka, Hormoonnada, iyo Dabeecada Dumarka.
Gabowga Caadada -- Menopause