Hordhac
Uurka waa geedi socod mucjiso leh oo ku bilowda bacriminta ugxanta iyo shahwada, kuna dhammaada dhalmada cunug caafimaad qaba. Inta lagu jiro uurka, waxaa jirka haweeneydu la kulantaa isbeddello muuqda iyo kuwo aan la arki karin, gaar ahaan dhanka hormoonnada iyo dabeecada. Fahamka heerarka uurka toddobaad kasta wuxuu siinayaa haweenka fursad ay si wacan ugu diyaar garoobaan marxaladahan muhiimka ah. Maqaalkani wuxuu si faahfaahsan u dul istaagayaa toddobaad walba oo uurka ah, laga bilaabo bacriminta ilaa dhalmada, horumarka uurjiifka, hormoonnada isbeddelaya, iyo isbeddellada dabeecada, iyadoo lagu saleynayo qoraallo iyo cilmi baarisyo caafimaad oo la isku halleyn karo.
Toddobaadka 1–2: Ugxan-sii-deynta iyo Abuurka
Waa maxay waxa dhacaya: Jirka haweeneyda wuxuu isu diyaariyaa uur. Ugxaan ayaa laga sii daayaa ugxaan-sidaha (ovary) celcelis ahaan maalinta 14-aad ee wareegga caadada. Haddii shahwo jirto, waxa ay ku bacrimaysaa ugxanta Mareenka-ugxaanta (fallopian tube).
Hormoonnada: Heerarka hormoonka estrogen-ka ayaa kordha si ay u dhumucdo xuubka ilmo-galeenka. Progesterone-na waxa uu kordhaa si uu u ilaaliyo xuubkaas haddii bacrimintu dhacdo.
Calaamado: Qaar ka mid ah haweenka waxay dareemaan xanuun yar oo caloosha ah, dhiig yar oo ka yimaada, ama isbeddel dheecaan ka yimaada siilka. Isbeddel nafsiyeed (mood swings) ayaa bilaaban kara.
Toddobaadka 3: Bacriminta iyo in uu Sameysmo Unugga-kowaad (Zygote)
Waa maxay waxa dhacaya: Shahwadu waxay bacrimisaa ugxanta, unugga cusubna wuxuu noqdaa Unugga-Kowaad (zygote). Wuxuu bilaabaa inuu kala qaybsamo isagoo u socda ilmo-galeenka.
Hormoonnada: Hormoonka progesterone ayaa kordhaya si loo taageero uurka. Hormoonka uurka ee hCG (human chorionic gonadotropin) ayaa la soo saara, inkastoo heerkiisu weli hooseeyo.
Calaamado: Haween qaarkood waxay dareemaan daal, calool oo isbadasha, iyo xanuunka naasaha, inkasta oo inta badan aysan weli dareemin.
Toddobaadka 4: Isku Dhajinta Xuubka Ilmo-galeenka iyo Calaamadaha Hore ee Uurka
Waa maxay waxa dhacaya: Unugga-Kowaad (Zygote), oo hadda loo yaqaan “blastocyst,” wuxuu isku dhajiyaa xuubka ilmo-galeenka. Marxaladaas mar ka uu maraayo, uurka waxaa lagu ogaan karaa sheybaar dhiig ah.
Hormoonnada: hCG aad buu u kacaa, wuxuuna joojiyaa caadada. Hormoonada Progesterone iyo estrogen wey sii kordhaan.
Calaamado: Lalabbo, barar naasaha, daal, iyo isbeddel dabeecada. Dumarka qaarkood waxay arkaan dhiig yar oo la yiraahdo caadada-uurka ama "implantation bleeding.".
Toddobaadka 5–8: Bilowga in uu Sameysmo Uurjiifka (Ilmaha uurka ku jira)
Waa maxay waxa dhacaya: Uurjiifku (Ilmaha uurka ku jira) wuxuu bilaabaa inuu yeesho xubnaha muhiimka ah sida wadnaha, maskaxda, iyo laf-dhabarka. Wadnuhu wuxuu bilaabaa garaac dhammaadka toddobaadka 6aad. Gacmihii iyo lugihii waxay noqdaan kuwa muuqdo.
Hormoonnada: hCG si xoog leh ayuu u kacaa. Progesterone wuxuu taageeraa uurka, halka estrogen uu kordhiyo dhiigga ilmo-galeenka.
Calaamado: Lalabbo subaxii ubadabtahay(morning sickness) way kasii dartaa. Daal badan, cunto nacayb (abateed xumo), iyo naasaha oo sii barara ayaa dhici kara. Isbeddel xaga dabeecada ahna ayaa sii xoogeysan kara.
Toddobaadka 9–12: Si buuxda in Uurjiifka u Abuurmo
Waa maxay waxa dhacaya: Ilmo-galeen koraya (Embryo) wuxuu si rasmi ah u noqdaa fetus (uurjiif). Wajiga, faraha, iyo suulasha ayaa samaysmaya. ibida (placenta) ayaa bilaabaya inuu la wareego soosaarka hormoonnada.
Hormoonnada: Estrogen iyo progesterone waxay si tartiib tartiib ah u kordhaan. hCG wuxuu bilaabaa inuu dego.
Calaamado: Lalabbo ayaa sii jiri karta. Waxaa dhici kara walaac ama cabsi ay u cabsaneeso ilmaha ama jaceyl xad-dhaaf ah iyo ilaalin dheeraad ah ay u yeelato uurka. Kaadida oo badan iyo calool-fadhiga ayaa dhacaya.
Kumbuyuutarka: waxaa lagu arkaa garaaca wadnaha ilmaha.
Toddobaadka 13–16: Bilowga Saddexda Bilood ee Xiga
Waa maxay waxa dhacaya: Ilmuhu wuxuu bilaabaa dhaqaaqa badan, in kastoo hooyadu aysan weli dareemin. Lafaha way adkaadaan, maqaarkuna wuxuu noqdaa mid khafiif ah.
Hormoonnada: Estrogen iyo progesterone heerarkoodu waa sareeyaa wili.
Calaamado: Awooda hooyada way soo laabataa, lalabbaduna way yaraataa. dabeecadeedana wuxuu noqdaa mid dheellitiran. Caloosha hooyadu waxay la'arkaa inay soo muuqato.
Baaritaano: hiddo-sidaha iyo cabbirka qoorta ilmaha.
Toddobaadka 17–20: Dhaqdhaqaaqa iyo Aqoonsiga Jinsiga Ilmaha
Waa maxay waxa dhacaya: Hooyadu waxay dareentaa dhaqaaqa ilmaha (quickening). Xubnaha taranka ilmaha waa la arki karaa. Dhagaha ilmaha ayaa shaqaynaya.
Hormoonnada: Dhalmo diyaariyaha (Relaxin) ayaa korodho si uu u jilciyo sedaha iyo miskaha. Estrogen-na wuu sii kacayaa.
Calaamado: Xanuun ku dhaca dhinacyada caloosha (round ligament pain), xanuun dhabarka ah, iyo barar yar. walaac, waxaa dareemee farxad iyo welwel isku jira.
Kumbuyuutarka: waxaa lagu ogaanaa waxa uu yahay ilmaha gabar ama wiil, sidoo kale waxaa la arkaa xubnaha ay ka midyihiin:
Wadnaha, maskaxda, laf-dhabarka, beerka, sanbabada.
Toddobaadka 21–27: Koritaanka Ilmaha iyo Xubnaha Gudaha jirkiisa
Waa maxay waxa dhacaya: Uurjiifku wuxaa si degdeg ah u koriya baruurta jirkiisa. Indhaha ayaa furmaya, sambabada iyo maskaxduna way sii kobcayaan. Inoo marna hurdo marna soo kaco ayaa bilaabaneesa.
Hormoonnada: Estrogen, cortisol, iyo prolactin ayaa sii kordha. Oxytocin wuu bilaabaa inuu tartiib u kaco.
Calaamado: Calool gubasho, lafta lugaha oo xanuunta, calool-fadhiyo, iyo hurdo la'aan. dabeecada oo isbadasha ayaa dhici kara sabab la xiriirta xanuun ay dareemeeso awgeed.
Toddobaadka 28–36: Bilowga Saddexda Bilood ee Ugu Dambeeya
Waa maxay waxa dhacaya: Ilmuhu wuxuu isu diyaarinayaa inuu u dhasho. Indhaha ayuu iftiinka la raacayaa. Madaxa ilmaha wuxuu bilaabaa inuu hoos u dhaqaaqo (kafka xagiisa).
Hormoonnada: Prolactin wuxuu kordhaa si loo diyaariyo caanaha naaska. Oxytocin wuu sii kacayaa tartiib tartiib.
Calaamado: Daal, Neefsasho zaa'id ah, cadaadis miskaha ku yimaada, iyo kaadida oo aad u badata. Marka xaalka meeshaas maraayo oo hooyada in ay dhasho isku diyaarineeso welwel iyo cabsi ayaa ku dhasha.
Toddobaadka 37–40: Billo Dhameesasho iyo Diyaargarowga Dhalmada
Waa maxay waxa dhacaya: Ilmuhu waa ay billo dhameestaan. Xubnaha oo dhan way shaqaynayaan. Jirku wuxuu bilaabaa isbedel lagu diyaarinayo dhalmada — ilmo galeenka ayaa jilcaya oo fidaya.
Hormoonnada: Progesterone ayaa hoos u dhacda, halka oxytocin iyo prostaglandins ay kordhaan si loo bilaabo dhalmada.
Calaamado: fool dimeed (Braxton Hicks) ayaa xoogeysanaya. Hooyooyinka qaar waxay helaan awood cusub, halka qaar kalena ay dareemaan dareen walwal iyo cabsi.
Kumbuyuutarka: in la hubiyo qaabka ilmaha uu u jiifo (madaxa maa u soo horeeya mise dabada ama gees ayuu u jiifa) xiliga foosha soo dhawdahay si loo diyaariyo in uu ilamaha dhasho asigoo badqaba.
Dhalmada
Waa maxay waxa dhacaya:
- Dhalmada hore: Ilmo-galeenka wuxuu fidaa 3–4 cm.
- Dhalmada firfircoon: foosha oo joogto ah iyo Ilmo-galeenka oo fida ilaa 7 cm.
- Wareegga kala guurka: 8–10 cm – waa qeybta ugu xanuunka badan oo foosha darantahay.
- Riixitaanka: Ilmuhu wuxuu kasoo baxaa Xubinta taranka dumarka.
Hormoonnada: Oxytocin iyo endorphins aad bay u kacsan yihiin. Adrenaline wuxuu ka caawiyaa xiliga foosha awooda riixitaanka ilmaha iyo feejignaanta.
Dareenka nafsiyeed: Xanuun, cabsi, farxad, iyo raynrayn ayaa is qabsanaya. Hooyooyinka qaar, way ooyaan, qoslaan, ama way aamusaan si buuxda ayeyna ula socdaan xaalada ilmahooda.
Xilliga Dhalmada Kadib (6-da Toddobaad ee Ugu Horeeya)
Waa maxay waxa dhacaya: Ilmo galeenka ayaa dib u yaraada, jirku wuxuu bilaabaa bogsasho. Caanaha naaska ayaa bata, jeceylka hooyada cunugeeda u qabto ayaa bata.
Hormoonnada: Estrogen iyo progesterone si degdeg ah ayey hoos ugu dhacaan. Prolactin wuu sarreeyaa si loo soosaaro caano. Isbeddel nafsiyeed ayaa dhici kara sabab la xiriirta hoos u dhaca hormoonnada.
Calaamado: Dhiig iyo Dheecaan Ka Baxa Uurka Kadib (lochia), xanuunka naasaha, farxad iyo murugo is barbar socda. Haweenka qaar ah waxay la kulmaan "murugada ilmaha" (baby blues), halka kuwo kalena ay la kulmaan niyad-jab dhalmada kadib (postpartum depression).
Gunaanad
Uurka waa safar gaara, waxuuna leeyahay sameen xaga maskaxda, jirka, iyo hormoonnaba isugu jira. Fahamka toddobaad kasta oo uurka ah wuxuu haweenka siinayaa awood ay ku fahmaan una wajahaan isbeddelka nafsadeed iyo jireed. Waxaa muhiim ah in hooyadu ay talo ka hesho dhakhtar si ay u hesho taageero shaqsiyadeed iyo mid caafimaad buuxa ah.