Waa hormoon iyo fariin-neerfeed oo ay soo saaraan qanjirada kilyaha dushooda ku yaal (adrenal glands). Waxaana la sii daayaa xaaladaha walbahaarka ama degdegga ah si loogu diyaargaroobo sameynta ficil degdeg ah, sida: hadii aad waxa kaa cabsiiyo aad aragto-Libaax oo kale, talaabada degdega ah aad qaadeeso waa maxay? orod? in aad meesha ka baxsato ama in aad is difaacdo oo aad dagaalanto, luqada shisheeye waxaa lagu yiraahdaa (fight-or-flight response).
- Wuxuu kordhiya garaaca wadnaha, ballaarisaa tubooyinka hawada, iyo waxeyna kordhisaa heerka awooda jirka.
- Waxay ka caawisaa jirka inuu si degdeg ah uga falceliyo walbahaarka iyadoo kordhinaysa dhiigga ku socda muruqyada iyo maskaxda.
- Waxay door muhiim ah ka ciyaartaa falcelinta degdega ah sida Dib-ugurashada khatarta ama la qabsashada caqabado jireed oo culus.
Hormoonka Dagaalka iyo Dib-ugurashada -- Adrenaline (epinephrine)