Waa xubin gudaha ah ee haweeneyda ALLE ku abuuray si uurka lagu xambaaro, waxayna ka tirsan tahay habdhiska taranka.
- Waa xubin muruq leh oo madhan (faaruq ah) markii aan uur jirin, waxaana ku dhex beermaya ugxanta bacrantay si ay u noqoto ilmo.
- Ilmo-galeenku wuxuu ku yaal miskaha dhexdiisa, wuxuuna u dhexeeyaa kaadi-haysta ( bladder ) iyo Mindhicirka (rectum).
- Inta lagu jiro uurka, ilmo-galeenka aad buu u fidaa si uu u qaado ilmaha sii koraya.
- Haddii aanay bacramin dhicin, xuubka gudaha ilmo-galeenka ayaa soo daata – taasoo ah dhiigga-caadada (menstruation).
Marxaladaha uurka
Laga Bilaabo Uur Qaadista Ilaa Dhalmada: Geedi Socod Caafimaad oo Toddobaad Toddobaad ah oo Ku Saabsan Uurka, Hormoonnada, iyo Dabeecada Dumarka.
Ilmo-galeen -- Uterus